Kitaabka “Shamaa’il Al-Muxamadiyah”waa kitaab aad u qiimo badan oo ka hadlaayo siirada nabiga salallaahu caleyhi wasalam. Wuxuu suurad dhameystiran kaa siinayaa qaab dhismeedka uu u abuurnaa rasuulka iyo jir ahaan sida uu ukaa. Wuxuu ka waramayaa hab-dhaqankii suubanaha, tilmaamaha uu lahaa sida geesinimada, deeqsiga iyo naxariista iyo habkii uu suubanahu ula dhaqmi jiray bulshada, waxaa inoo akhrinaya Sheekha waalidka ah Sh. Nuur Macalin C/Raxmaan.
Kitaabkan waxaa alifay Al-Imaam At-Tirmidi waxaana Allaha u naxariistee uu kusoo uruuriyey inta badan Axaadiithta ku saabsan mowduucan. Sheekh Nuur Macalin C/Raxmaan wuxuu kitaabka u sharixi doonaa si qurux badan, wuxuuna mid mid u laqbeyn doonaa erayada kitaabka wuxuuna sidoo kale isdultaag ku sameyn doonaa axaadiithta qaar.